Macluumaadka loogu tala galay dadka ay saameeyeen xaaladaha degdega ah

Waxaanu caawinaa dadka ay saameeyeen xaaladaha degdega ah ee ka dhaca gudaha UK (Boqortooyada Ingiriiska) ama dibadeeda.

Marka xaalad degdeg a ay dhacdo, waxaan siinaa kaalmo dhab ah, maxali ah oo caadifad leh dadka guud ahaanba UK. Waxaan caawin karnaa qoysaska ay kala fogeeyeen dagaalada, musiibooyinka ama muhaajirnimadu.

Hel kaalmo haddii ay ku saameeyeen xaalado degdeg ah:

Nasoo wac si aan kuu caawino: 
0808 196 3651

Khadka Laanqayrta Cas ee Ingiriisku waa:

  • Waa bilaash oo waxay bixisaa kaalmo dareen leh oo dhab ah
  • Qof kasta oo ku nool UK, oo ay ku jiraan muwaadiniinta UK sida qaxootiga iyo magangalyo doonka
  • waxaa lagu helayaa 200+ luuqadood, codso inaad tarjumaan la hadasho un

Kooxdeena saaxiibtimnimada leh ayaa halkan kuu joogta si aad u hesho kaalmada aad u baahan tahay:

10 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha
10 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo Arbacada

Wax badan ka baro waxaadna heshaa PDF-yo loo tarjumay 14 luuqadood oo kujira bogga khadka kaalmada.

Wicitaanka xaaladaha degdega ah:

  • Sama-faleyaasha: haddii aad u baahan tahay
    Teleefoonka kaalmada dhanka dareenka ah: 116 123 (wuxuu furan yahay 24 saacadood) ama iimayl u dir jo@samaritans.org
  • NHS: haddii aad caafimaad darro dareemayso
    Teleefoonka: 111
  • Xaaladaha nolosha khatarta ku ah ama caafimaad ahaan degdega ah
    Teleefoonka: 999
Two people in discussion at table within an office environment.

Kaalmada ka baxsan UK

Si aad u hesho kaalmada ka baxsan UK, Lanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Qaranka ee kuugu dhow.

Kaalmada loogu tala galay qaxootiga iyo magangalyo doonka

Macluumaadka ku saabsan adeegyada aan siino qaxootiga waxaa lagu heli luuqado kale.

Waxaan qaxootida io magangalyo doonka UK ku sugan ku caawin karnaa:

  • kaalmada xaaladaha degdega ah
  • kaalmo iyo kala shaqaynta kiiska qof walba
  • adeegyada u gaarka ah caruurta iyo qoysaska
  • dib u midoobista qoyska
  • cuntada, cadad yar oo lacag ah iyo suuliyaasha
  • sida kaalmo looga helo ururada kale
  • adeegyada gaarka ah ee loogu tala galay qaxootiga iyo magangalyo doonka da'yarta ah.

Hel adeega qaxootinimada

Ilaha kaalmada dareenka:

(Kaliya waxaa lagu heli karaa Ingiriisiga)